Habka lagu abuuri karo jiil akhlaaq leh

0
723

Caruurtu waa ubax loo diyaariyay in la beero oo kale. Qooysku, bulshadu, dalka iyo jiilkuna waa beero falato uu diyaar ah in ay ubaxaasi beraan. Jiilka dalka hananaya waxa asaasidooda la bilaaba xiliga ay yaryaryihiin sida beerta marka midhaha lagu beerayo. Xaqiiqadan dalkeena tolow intee in leeg baan ka fiirsanay? Waxa hayada samo falka ah ee” teyaayizen” ay arintan ka fiirsasho ka sakaw ay ugu hawlantahay si hawla joogto ah oo ay wax uga qabato.

Ha’ayadan samo falka ahi waxa ay halkudhag kadhigatay “jiilka cusub waa in ay bartaan wax kasta oo ay karayaan si tabaruc ah oo wacan in ay dadkooda iyo dalkoodaba ayaga oo aan kala soocid iyo sabab uu samayn in ay uu siiyaan”. Caruurtu si ay uu noqdaan deeqsi wax yaabaha samo falka ahna ay uu bartaan oo ay ka fogaadaan kali talisnimada, naftooda uun in ay jeclaadaan iyo naftoodana wax kasta la jecel, dhinaca kalena ay noqdaan qaar yaqana biniadamnimada, naxariista iyo wadaninimadana jecel,ha’ayadu waxa hadafkeeda ah oo ay ka cawinaysa in ay kobciyaan waxyaabaha aan kor ku soo xusnay. Si ay arimaasina uu sameeyaan caruurta ay da’adoodu uu dhaxayso 6 -15 ee soo koraysa meelaha ay ku noolyihiin waxbarashadooda in ay barbar wadaan naxariista iyo deeqsinimada in la baro oo laga dhaadhiciyo ayaa ah arin fa’aido leh.

Habkanina sanadkii la soo dhaafay ee 2013kii dugsiga hoose ee ku yaala magalada adhaama ayaa lagu tijaabiyay, waxaan laga helay midho dhal fiicanna sida ay sheegayaan xogaha halkaasi ka soo baxaya. Waxana la shaaciyay in arintaasi lagu tijaabiyay dugsigaasi ka dib dhaqdhaqaaqaasi guud ahaan dalka carur yaryar oo malaayiin gaadhaya in la gaadhsiin doono oo si ficil ahaan ah loogu dhaqmi karo.

Bisha hidhaar ee 2014ka ha’ayadu waxa ay qabatatay shir jaraaid oo ay ku bilaabi doonto hawshaasi waxana ay ugu magic dartay “ midho la siinayo 2014”. Waxaana ka soo qayb galay shirkaasi jaraid oo marti sharaf ka ahaa shakhsiyaad can ah waxaana ay tageereen fikirkaasi markii ay ka soo qayb galeen barnaamijkaasi.

Barnaamijkaasi waxa ka hadlay madaxa ha’ayada oo fikirkana markii ugu hoaysay soo jeediyay ama iska lahaa mudane Misgaanaw Tadhese waxaana uu faahfaahin ka bixiyay waxa ku khasbay si mashruucan loo soo diyaariyo. Sida uu fahfaahintiisa ku sheegayna waxa uu yidhi in uu mashruucan ku dhaqmo waxa sababta ugu horaysa uu ahayd arimaha xiligan xaadirka ah dalka ka jira. Sida uu hadalkiisa ku sheegayna dhibaatooyinkii soo jireenka ahaa ee itoobiya halka ay maskaxdooda uu isticmaali lahaayeen horumarka ay uu isticmalaan waxyaabaha alabada ah iyo dhaqalayntooda in ay ahmiyada siiyaan waxaana ka abuurmay dhibaatooyin.

Waxa uu masuulkani sheegay in asagu ka shakhsi ahaan intii dhibatooyinkani ay si faafi lahayeen oo jiilka soo socda uu gudbi lahayeen ka hor in iskudayga loo baahanyahay ee haboon la sameeyo in uu aminsanyahay ayuu sheegay.sidaas darteena waxa uu diyaariyay mashruucan caruurta soo koraysa akhlaaq wanaagsan loogu samaynayo waxaana uu markii ugu horaysay ka dhaqan galiyay degaanka oromiya magalada adhaama.waxa kale oo uu shegay in xiliyada soo socda uu guud ahaan dalka dugsiyada hose ee ka jira uu ka dhaqan galiyo in uu ku talo jiro.

Mashruucani waxa uu ahmiyada ugu horeysa siinaya akhlaaqda waxyaabaha lagu muujiyo ee ugu horeeysa ee “siinta” . taasina waxa weeyaan mid caruurtua yaryar laga bilaabo yaraanta in ay marka hore ayagu is jeclaadan. Hadaba fikirkan haboon ayaa noqday mid taageero aan yarayn helay. Dad can ah oo kaalin wayn ku yeelan kara ayaa ogolaaday in ay ka qayb noqday dhaqdhaqaaqan oo ku soo biiray.

Qaybahan dadka caanka ah ee kaalinta ka qaadan doona ka sakoow waxa ka qayb qaadan doona qaybo kala duwan oo dawlada ka socda.xafiiska wasarada ee hore la odhan jiray wasarada haweenka, caruurta iyo dhalinyarada ee jdfi hadana lagu badalay magaca ah wasarada haweenka iyo arimaha bulshda, wasarada nabada iyo xafiiska waxbarashada ee oromiya ayaa ah xafiisyada laga bilaabo bilawgii hawshan taageeray sida lagu sheegay shirkii jaraaid.

Masraxii la soo diyaariyay bisha hidhaar 16keedi 2014ka shakhsiyaadki caanka ahaa ee ka soo qayb galay ee taagersana fikirkan waxa ay halkaasi ka sheegeen fikrado kala duwan oo wacan iyo wayo aragoodi, waxaana ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo qayb galay fanaanka Engidhasaw Habte (teedy) oo wakiil ka ahaa dadka ay isku hawsha yihiin waxaana uu sheegay ahmiyada uu leeyahay mashruucani.

Engidhasaw waxa uu umahad naqay Misgaanaw oo si mashruucani uu dhaqan galo in kabadan sadex sano asaga oo aan ka xiiso dhicin ku hawlana. Waxa uu intaasi raaciyay hadii aan caruurta yaryar wax barashadooda siyaabo kala duwan loo barbar raacinin oo aan la barin natijada ka soo baxaysa waxa ay noqonaysa mid aan sdhamays tirnayn, sidaas darteed waxa haboon in caruurta culayska aan habonayn ku jira in laga saaro oo caruurta iyo dhalinyaradu awoodooda ay la soo kal baxaan si mustaqbilka dalkooda iyo dadkooda ay ficilo ku haboon ugu qabtaan loogu caawiyo ayaa la rabaa.

Sidaa oo kale waxa uu yidhii marka la leeyahay “siin” kuma eeka lacagta oo kaliya. Dadka waawayn ee bulshada dhaxdeeda caanka ka ah waxa ayaga oo adeegsanaya caanimadooda waa in ay caruurta uu soo ban dhigaan bugaag ay akhristaan si kor loogu qaado awoodooda wax akhriska oo waayo aragnimadoodana ay wax uga waramaan ficilada wanaagsana la baro. Hadii aanu wayo aragnimadayada uga waramin oo aanu wakhtigayagana siinino sabab aan isbadal lagu keeni Karin ma jiri doonto.

Waxa kale oo ka mid ah dadka caanka ah ee taageersan fikirka ha’ayadn fanaanka Yigerem Dhegene waxaana uu yidhi asaga oo ka hadlaya mashruucan xiligan xaadirka ah xalada dalka ka jirata waxyaabaha lagu arkayo maaha qaar soo jiidasho leh oo dhinaca wanaaga uu janjeedha. Warbaahinadu laftigoodu waxa ay xooga saaraan wararka burburka keeni kara halka ay ka warami lahaayeen wararka haboon ee isbadalka wacan keeni kara. Sidaas darteedna waa in mashruucan culayska la saaro.

Waxa kale oo uu yidhi Yigerem hawshani waa hawl in la xoojiyo uu baahn, hadana waxa aan ka warwar qaba hawshan ficilada akhlaaqda “siinta ah” in maalmaha ugu horeeya uun la xiiseeyo oo marka danbena la joojiyo.

Waxa kale oo uu xusay hawshan lagu wado in isbadal wayn lagu keeno caruurta ee la wado in caruurta oo kaliya lagu koobo aany ahayn mid ku filan oo loo baahanyahay in waalidiintana laga qayb galiyo, sababto ah ma jirto cid uga dhaw caruurta walidiintooda iyo qooyskooda oo saamayn wax ku ool ah ku abuuri kartaa.

Misgaanaw ayaa hadana hadalkiisa ku sheegay in hawshan caruurta loogu yeelayo akhlaaqda wanaagsan in aanay ahayn mid dawlada oo kaliya lagu daynayo masuuliyadeeda. Cidii rabta mustaqbilka wadan dhaama kan imika in aan uu gudoonsiino awlaadeena oo dhami waa in ay ka qayb qaadataa mashruucan.waxa kale oo uu xusay sida oo kale ha’ayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo ha’ayadaha ku hawlan hawlaha samo falka ah, shakhsiyaadka, ururada ganacsiga, hantiilayaasha madaxda, aqoonyahanada, sharci yaqaanada iyo sharciga kuwa fuliyaba caruurta mustaqbilka dalka hananaysa sidii loo abuuri lahaa hawsheeda kuwii in ay qabtaan looga baahanaa in ay yihiin oo masuuliyadi ka saarantahay.

Mashruuca loogu magic daray “midho siin” ee 2014ku waxa weeyaan mid ka baxsan arimihii hore loo bartay in caruurta lacag iyo badecooyin la siiyo oo waxa lagu siinayaa arimo qiimo badan leh, misgaanaw sida uu sheegayna mashruucani waxa uu yahay mid mudo sanad ah sii jiraya.

Mashruucanna waxa uu yeelan doona hawlo cutubyo kala duwan leh oo nooc iyo nuxur gaar ah oo akhlaaqda lagu hananayo oo dhaqdhaqaaq guud ahaan dalka laga dhaqan galinayo ah weyaan. Sida kor lagu soo xusayna waxa arinta ugu muhiimsan ee loo qabanayo ah ay tahay sidii waxyabaha akhlaaqda lagu tusinayo ee “siinta” loogu hawlanaan lahaa. Sidaasi darteedna waxa la qoorsheeyay in la qabto maalinta “siinta” oo hab mashruucan ka mid ahna la diyaarin doono.

Maalintanina waxa laga dhigaya in caruurtu ay ayagu iskood hadiyado isa siiyaan, sidii ay isu ixtraami lahaayeen iyo jacaylkoodana ay ku muujin lahaayen in dhaqan looga dhigo oo arintaasi ay mustaqbilka kobciyaan. Waxa kale oo ka mid ah mashruucan in ay ka qayb qaatan dadka caanka ah, culumaau diinta, aqoonyahaniinta cilmi nafsiga, macalimiinta iyo cidii kasta oo caruurta uu noqon karta hor mud in ay caruurta baraan siinta iyo ka gudoonka macneheeda iyo faaidada ay leedahay.

Ha’ayada tayayizen itoobiya ee samo falka ayaaa waxa la asaasay bishii miyaaziya ee sanadkii 2013kii waana hayad dalka laga leeyahay oo bayaanka sharciga tirsiga 1113/2011 qodobka 57(1) lagu asaasay.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 25 2014 No 24

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here