መነሻ ገጽSoomaaliWararka AbolWaxaa la xaqiijiyay in deegaanka Axmaarada uu shidaal ku jiro 

Waxaa la xaqiijiyay in deegaanka Axmaarada uu shidaal ku jiro 

Takele Uma oo uu wehliyo wasiirkiisa macdanta ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in cilmi baadhis shidaal oo laga sameeyay deegaanka Wareilu oo ka tirsan dhulka webiga Niilka ee deegaanka Axmaarada lagu xaqiijiyay in dhulka ay ku jiraan in ka badan 2 bilyan oo foosto oo shidaal cayriin ah.

Waxa uu intaa ku daray in helista shidaalku uu muhiimad wayn u leeyahay horumarka Itoobiya, dawladuna ay fududaynayso sidii looga faa’iidaysan lahaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah.

Waxaa lagu xasuustaa in aan wargeyska Addis Maleda ugu waramayay in uu daraasad ku samaynayo Shidaalka dabiiciga ah ee dhulka ka soo baxaya ee ku qulqulaya deegaanka ee Koonfurta Wolo ee deegaanka Axmaarada, waxaana lagu xasuustaa in uu agaasimuhu.

Madaxa cilmi baarista ee xafiiska horumarinta khayraadka macdanta Darje Asefa ayaa sheegay in cilmi baaristan ay iska kaashanayaan jaamacadaha deegaanka

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdan cilmi baarista ah ee la aas aasay ay sidoo kale howlo la mid ah ka qaban doonaan Gobalada hoose ee Metama iyo Abaaye isla markaana ay soo jeedin u gudbin doonaan dowladda.

Tale waxa uu sheegay in shidaal baadhistu ay ka socoto afar goobood oo ku yaala dalka Itoobiya oo uu ka mid yahay Wareilu, shirkaddii hore ee shidaal baadhista ka waday deegaanka Wareyluna ay ku kaliftay inay joojiso shaqadii ay ka waday.

Waxaa la xasuusan karaa in aragtida shidaalka ku soo caariday deegaanka Woreilu ay dad badan walaac ka muujiyeen.

Labo sano ka hor ayay ahayd markii wasaaradda macdanta aya sheegtay in laga helay gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 10 trillion cubic Feet, waxaana laga helay deegaanada lagu magacaabo Kali iyo Elele ee gobalka shabele oo ka tirsan deegaanka Soomaalida.

- ይከተሉን -Social Media
ተዛማጅ ጽሑፎች

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Ads

የቅርብ ጊዜ ጽሑፎች